Eritrea oo Ciidankeeda kala baxday qaybo ka mid ah Gobolka Tigray

Mekkele (Aftahannews)- Ciidamo aad u tiro badan oo ka socda dalka Eritrea, ayaa ka baxay magaalada Shire ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku dagaallameen iyaga oo taageeraya ciidamada dowladda labadii sano ee la soo dhaafay ee uu socday dagaal sokeeye, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen mid ka mid ah dadka deegaanka iyo laba ka mid ah shaqaalaha samafalka.

Jooitaanka ciidamada Eritrea, ayaa loo arkayay inay caqabad weyn ku tahay nabad waarta, inkastoo bishii November heshiis xabbad-joojin ah ay wada gaadheen dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigray, kaas oo uu qeyb ka ahaa in askarta shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

Dagaalka Tigray, ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen tobannaan kun, haddaysan ahayn boqollaal kun oo qof, malaayiin qofna ay ka barakaceen guryahoodii.

Ilaa hadda ma cadda in dhaq-dhaqaaqa ay ciidamadu ka sameeyeen Shire oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Tigray-ga uu qayb ka yahay ka bixitaanka Eritrea ee gobolka iyo inay tahay xeelad kale.

Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah, ayaa bishii hore sheegay in askarta Eritrea ay ka baxayaan Shire iyo laba magaalo oo kale oo waaweyn, laakiin qaar badan ay weli joogaan gobolka.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel kama jawaabin codsi ahaa inuu ka jawaabo su’aalo la xidhiidha arrintan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Shire, ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee saaka ilaa 5-tii galabnimo la arkayay kolonyo Eritrean ah oo ka baxaya magaalada.

“Waxaan tiriyay 300 oo baabuur,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababo ammaan dartood. “Waxay la baxeen hubkoodii cuslaa, sidoo kale.” ayuu raaciyay.