Weerar Qaraxyo ah oo lagu qaaday Xarunta Gobolka Banaadir

Muqdisho (Aftahannews)- Qaraxyo iyo rasaas, ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab, ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir ee Muqdisho oo ah xafiiska duqa magaalada.

Qaraxa ugu horreeyey, ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta gobolka oo ku wajahan suuqa Mogadisho Mall.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay maqleen ilaa saddex qarax.

Ciidamada amniga Soomaaliya, ayaa la sheegay inay wadaan hawlgal. Dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin weerarkan.

Waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa inuu khasaare ka dhashay weerarkan.

Xarunta Gobolka Benaadir, ahna xafiiska Duqa Muqdisho, waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab 24-kii July, 2019, markaas oo haweenay is qarxisay ay ku dhaawacday Guddoomiyihii gobolka iyo duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yarisow) oo maalmo yar kadib u geeriyooday dhaawaca ka soo gaadhay qaraxaas.

Wixii ku koo kordha xaaladdan halkan ayaad kala socon doontaan.