Somaliland oo War-murtiyeed ka Soo Saartay Xaaladda Laascaanood

Laascaanood (Aftahannews)-  Xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland ee magaalada Laascaanood u joogay xallinta qalalaasihii ka dhacay magaalada ee dhimashada iyo dhaawaca sababay, ayaa War-murtiyeed ka soo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xubnaha Wasiirrada, ayaa waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay kana go’an tahay in ay wadahadal ku dhammayso tabasho kasta oo ay shacabka magaalada Laascaanood qabaan.

Wasiirrada, ayaa sheegay in Xukuumaddu qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool, iyadoo qaadatay bixinta magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado, isla markaana ay sii daysay dhamaan dadkii lagu soo qabtay qalalaasihii magaalada Laascaanood.

Wasiirrada, ayaa sheegay in ay taageersanyihiin baaqii ka soo baxay xubnaha Golaha Wakiillada, Guurtida iyo Goleyaasha Deegaanada, ee magaalooyinka bariga, sida uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Waxaanu yidhi.”Xukuumada Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabadgalyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira, xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun”.

Dadwynaha Laascaanood, ayay ugu baaqeen in ay nabada ilaaliyaan, waxaanay sidoo kale, dadkii qaxay Magaalada ka codsadeen in ay ku soo laabtaan magaaladooda.

Sidoo kale, waxaa ay amar dul dhigeen Jaamacadaha, Dugsiyada iyo Madaariista Qur’aanka ee Magaalada Laascaanood, iyagoona ku amray in ay dib u furaan goobaha waxbarashada.