Boosaaso (Aftahannews)- Maamul goboleedka Puntland, ayaa shaaciyay in ay dileen madixii howlgallada kooxda Daacish ee deegaannada gobolka bari, oo lagu magacaabi jiray Abuu-Albara Al Amani.
Ninkan, ayaa sida ay sheegeen Booliska Maamul Goboleedka Puntland waxaa lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga Puntland iyo Al-shabaab maalintii shalay.
Marka laga soo tago sheegashada Maamul Goboleedka Puntland ee dilka ninkan ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa warkan.
Warka qoraalka ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxaa la socda sawir lagu sheegay inuu yahay Abuu-Albara Al Amani.