Mustafe Martin oo lagu Xidhay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa magaalada Hargeysa lagu xidhay Mustafe Maxamed Martin oo ah shakhsi arrimaha siyaasada kaga faalooda baraha bulshada, isla markaana hore mucaarad ugu ahaan jiray xukuumada Somaliland.
Mustafe Martin oo ku nool dalka Mareykanka, ayaa wararku sheegayaan in xabsiga loo taxaabay kadib markii isaga iyo xaaskiisu ay safar ku yimaadeen Somaliland todobaadkan.

Hase yeeshee, Mustafe Martin, ayaa xiligii la doortay Madaxweyne Biixi aad uga soo horjeestay isaga oo ku tilmaamay in ay ahayd doorasho cadaalada ka fog, isla markaana isaga oo dibada jooga, ayuu isku magacaabay in uu yahay madaxweynaha Somaliland.

Fannaaniin iyo shakhsiyaad kale oo caan ah, ayaa Martin ku soo dhaweeyay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa markii uu todobbaadkan Somaliland soo gaadhay.

Waxaanu Mustafe Martin halkaasi ka jeediyay hadalo uu bulshada ku boorinayo in ay ilaashadaan nabada, dalkana dhistaan.
Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee loo xidhay Mustafe Martin iyo dambiga lagu haysto.
Mustafe Martin, ayaa sidoo kale booqday deegaano ka mid ah Soomaaliya sida Puntland, isaga oo marar badan baraha bulshada ku faafin jiray fikiro ka dhan ah Somaliland, inkasta oo uu ka soo noqday fikirkiisii hore, oo uu hada aad ugu olloleeya qadiyada Somaliland iyo jiritaankeeda.