Madaxda Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliya iyo Guddiga Ganacsiga Baarlamaanku Maxay ka Wadahadleen?

Muqdisho (aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Maxamed Sheekh Nuur, ayaa kulan is xogwareysi la yeeshay Madaxda Ha’yadda Taya-Dhowrka Soomaaliya (Somali Bureau of Standards SOBS).

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga Dhaqalaha Warshadaha Iyo Maalgashiga Maxamed Sheekh Nuur nuur oo shirguddoomiyey Kulanka, ayaa si qoto dheer iskaga wareeysteen xaalada Hay’ada meesha ay wax u maryaan iyo qaabkii loo hormarin lahaa tayo dhowrka Soomaaliya maadaama ay hayadan laf dhabar u tahay tayo dhowrka Dowlada Soomaaliya shaqo adagna ay Qaranka u hayso.

Hay’adan oo ku dhisan sharci uu meel mariyay Baarlamanaka ayaa waxey si toos ah ula shaqeysaa Gudiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga ee BJFS sidoo kalle Gudiga ayaa hay’ada kala shaqeya horumarinta sharuucaha barlamanka yaalo iyo ku ilaalinta in ay hay’ada ku dhaqanto sharuucda ay ku dhisantahay iyo kuwa dalka u yaalo.

Ugudanbeeyn guddiga ayaa warbixin iyo sharaxaad ka dhageystey Ku simaha Maareyahay Ahana Maareye Ku Xigeenka Hay’ada iyo howlwadeenada la socday.
Kulanka ayaa ku soo gabo gabobay in la xoojiyo wada shaqeynta gudiga iyo hayada.

Sawiro Gudomiya Maxamed shekh nuur iyo Madaxda hay’ada