Musharrax Madaxwayne ee Puntiland Cabdicasiis Afgudud Qoraalkiisa muxuu uga hadalay

Musharax Madaxwayne Puntiland Cabdicasiis afguduud ayaa ayaa ku baaqay in la dar’dar galiyo qabsoomida doorosho qof iyo coda o kadhacda Deegaanda Puntiland  waxaana uu ku bilaabay qoraal kiisa sida tan waxaanu soo dhoweyneynaa kaabayaasha dhaqaalaha ee puntland dhowaan xariga laga jari doono taas oo mudaba sugayeen shacabka puntland shacabka soomaaliyeed.iyo guud ahaanba gobolka afrika.

waxaan shacab weynaha puntland ugu baaqaayaa iney fududeeyaan dhaqan geliyaana iney gaaraan doorashada cod iyo qof.

taas oo aad ku gaari kartaan horumarka aynu hiigsaneyno oo ay ugu horeyso in dadka shacabka ah ay gacantooda ku jirto awooda dowlad nimo iyo horumarkooda u sinaanta sharciyada cadaalada iyo xuquuqda asaasiga ah ee uu leeyahay muwaadin kasta. taas oo ka go’an hogaanka talada hada haya

waxaan bogaadinayaa madaxweynaha puntland iyo golihiisa xukuumada oo ku dhiiraday dhaqan gelinta rabitaanka shacabka reer puntland mudaba ku taamayeen.

sidoo kale gudiga doorashooyinka oo habeen iyo maalinba u taagan.sixida iyo dhaqan gelinta hawsha adag ee ay shacabkoodu ka sugayaan.

ALLAAH baa mahad leh