Kusimaha Wasiirka Gadiidka ahnna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa ka qayb galay Shirka Golaha Wasiirada

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS ahnna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa ka qayb galay Shirka Golaha Wasiirada waxaana shir Gudoomiyey Ra’iisalwasaaraha Qaranka Mudane Xamze Cabdi Barre Shirka ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.

Kulanka ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.
Dhamaad

Madax Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomalia
Mohammed Abdi Osman Faradheere
Emil Info@motca.gov.so
Info.motca@gmail.com
Mccf1991@gmail.com
Facebook
https://www.facebook.com/WASAARADDAGADIIDKAIYODUULISTAHAWADA?mibextid=ZbWKwL
Twitter
https://twitter.com/MotcaSom?t=GpaXs9a6ytxkKtgYCyt_bQ&s=09
Wep https://motca.gov.so/so/