Beesha Caalamka oo Arrimo Xasaasi ah Kala Hadlay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa habka maqalka iyo Muuqaalka kula kulmay Afar iyo toban Safiir oo ka tirsan Beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, madaxweyne Biixi iyo Safiirrada Beesha Caalamka ayaa ka wada-hadlay dar-dargelinta Arrimaha Doorashooyinka iyo gargaarka bani’aadamnimo.

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 08/11/2022 waxa uu habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kulayeeshay Safiiro iyo ku xigeeno ay wehelinayaan diblamaasiyiin oo kala ah, EU – Ambassador Tiina Intelmann, Belgium – Ambassador Peter Maddens, Denmark – Ambassador Steen Sonne Andersen, Finland – Ambassador Pirkka Tapiola, France – Ambassador Arnaud Suquet, Ireland – Ambassador Fionnuala Quinlan, Italy – Ambassador Alberto Vecchi, Norway – Ambassador Gunnar Holm and chargé d’affaires Haakon Svane, Sweden – Ambassador Per Lindgärde, Germany – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador, Netherlands – Deputy Ambassador Laurie Visser, US – Anthony Diaz, Deputy Chief of Mission (Acting), UK – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa iyo Canada – Robert Bunbury, First Secretary.

Waxaana kulankaasi lagu lafo-guray, hawlaha gargaarka binu-aadannimo, dar-dargelinta iyo xoojinta mashaariicda ay hore uga wadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka.”