Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka degay dalka Jabuuti+ Sawirro

Djibouti (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay dalka Jabuuti.

Wefdiga ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay, dhiggiisa dalkaasi Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Booqashada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Jabuuti, ayaa qaadan doonta muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiikiisa.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa inta uu ku sugan yahay Jabuuti wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, isaga kala hadli doona xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa dowladda Jabuuti kala hadli doona arrimo ku aadan dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab iyo sidii ay uga taageeri laheyd howlgallada ay wado.