Wasiirka Shaqo Gelinta oo Hortagay Golaha Wakiillada

Hargeysa (Aftahannews)- Guddi hoosaadka Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kulan balaadhan la qaateen Wasiirka shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Mustafe Maxamuud Cali Bile.

Kulankan oo saacado badan qaatay islamarkaana ay warbaahintu dibad joog ka ahayd, ayaa guddiga Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee golaha Wakiilladu waxaa ay Wasiirka su’aalo ka waydiiyeen Miisaaniyada loo qoondeeyay 2023 wasaaradiisa.

Guddiga iyo Wasiirka, ayaa markii uu kulankoodu soo dhamaaday waxaa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta, iyagoona ka warbixiyay waxyaabihii ay kaga wadahadleen kulankooda.