Wararkii ugu dambeeyey dagaalka deegaanka Qaayib

Qaayib (Aftahannews)- Xaaladda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaguud, ayaa daggan kadib dagaal saacado socday oo halkaasi ku dhexmaray maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, ayaa sheegay in dagaalkaasi ay guulo ka gaadheen, islamarkaana ay jabiyeen maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday fadhiisimada ciidamad Galmudug iyo kuwa deegaanka.

Ilo-wareedyo kala duwan, ayaa u sheegay in dagaalka uu gaystay khasaaro nafeed oo soo gaadhay dhinacyadii dagaalamay iyo bur hantiyeed oo soo gaadhay xaruntii isgaadhsiinta ee deegaanka oo qarax lala beegsaday.

Dhinaca kale, ciidamad dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka, ayaa weerar ku qaaday deegaanka Xiin Dheere oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalkii maanta ee Qaayib, ayaa qeyb ka ah dagaallada dolwadda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo xooggiisa uu ka socdo gobollada Hiiraan, Shabellada Dhexe iyo Galgaduud.

Dagaalladan, ayaa kooxda Al-Shabaab lagaga saaray deegaano badankood ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamul goboleedka HirShabeelle.