Somaliland: Dowladda oo Wax iska weydiisay Xummadda Xasuuqaysa Bulshada

Hargeysa (Aftahannews)- Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiiro ka socday Wasaaraddaha Deegaanka, Beeraha, Biyaha, Xanaanada Xoolaha, iyo Dowlada hoose ee hargeysa.

Kulankan, ayaa wasirka waxaa ku wehelinayay wasirku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Liiban Yuusuf Cismaan Gaaxnuug iyo Guddiga Xaaladdaha dagdag ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Kulankan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii layskaga kaashan lahaa Xakamaynta iyo dabar-goynta xaalada xummadda oo mudooyinkii u dambeeyay ka jirtay dhamaan gobolka dalka iyo sidii bulshadda looga wacyicelin lahaa, iyadoo la raacayo habraacyada ay soo daartay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ahaa dabar-goynta kaneecada iyo goobaha ay ku dhalanayso.

Markuu kulanku soo dhamaaday ayaa laysla qaatay in la xoojiyo lana dhiirigeliyo wax kasta oo lagu xakamayn karo xaaladan sida:-

1: In kor loosii qaado wacyigellinta lana xoojiyo si bulshada loogu baraarujiyo khadarta ay leedahay Xumadu iyo qaabka loo xakamaynayo.

2: In iyadoo lays khaashanayo lasii wado Buufinta kaneecada oo maalmihii u dambeeyay ka socotay qaybo ka mid ah gobolada dalka kuwa dhimana si degdeg ah loo gaadhsiiyo.

3: In ay qaybaha kala duwan ee Bulshada, Wasaaraddaha, Dawladaha Hoose in layska Kaashado Dabar-goynta kaneecada oo ah ta ugu Weyn ee gudbinaysa Xumadda.

4: in aanay Bulshadu dhayalsan talooyinka Caafimaad ee ka imanaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo qaranka ugu Igman Caafimaadka Guud iyo ilaalinta Bulshada Somaliland si loo Xakamayeeyo dhibka ay Gaysan karto Xumadani.

5: in ahmiyad gaar ah la siiyo deegaanada u ku dambeeyo roobabku maadaama oo ay kaneecadu ka dhalanayo goobaha biyo Fadhiisinka ah.

6: in Waalidiinta iyo dadka guryaha ka masulka ahi aanay dhayalsan qofka marka ay haleesho Xumadu oo aanay guryaha ku hayn ee ay si degdeg ah usoo gaadhsiiyaan Xarumaha Caafimaadka si loo siiyo adeeg iyo Talooyin Caafimaad.