Madaxtooyada Somaliland oo War ka soo saartay Qabashada Doorashooyinka

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegtay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku gacanta ku hayaan kharashaadkii ay ku bilaabi lahaayeen Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha maaddaama oo Golaha Wasiirradu uu Khamiistii ansixiyay Odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2023-ka.

War qoraal ah oo lagu baahiyay Bogga Madaxtooyada Somaliland ku leedahay barta Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in ansixinta Miisaaniyad-sanadeedka Qaranka ay Komiishanka doorashooyinka haystaan dhaqaalihii iyo Agabkii ay ku qaban lahaayeen diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadka dambe ee 2023-ka.

Laakiin Madaxtooyadu Warkeeda kuma xusin doorashada la qabanayaa ta ay tahay, maaddaama oo weli khilaaf ka taagan yahay ta soo horraynaysa doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda Dalka.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in qabashada Doorashooyinka loo raacayo wakhtiga uu Komiishanku u cayimo ama u qoondeeyo qabsoomiddooda.

Qoraalka Madaxtooyadu baahisay oo su’aalo badan ka dhasheen, ayaa u qornaa sidan:-

“Ansixinta Miisaaniyadda Somaliland ee 2023-ka (kaddib) Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay haystaan ​​agabkii lagama maarmaanka u ahaa in la bilaabo diwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo suurtagelinaysa in aynu sida ugu dhakhsaha badan u qabanno doorashooyin 2023-ka, taas oo ku beegan wakhtiga Komishanka Doorashooyinka Qarankam,” ayaa lagu sheegay Warka qoraalka ah ee Madaxtooyadu ku baahisay Twitter-ka.

Somaliland, waxa ka taagan khilaaf salka ku haya doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada ta soo horraynaysa ee marka koowaad dalka ka dhacaysa.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa doonaysa in marka koowaad la qabto doorashada Ururrada siyaasadda, halka Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay doonayaan in la qabto doorashada Madaxtooyada, wallow aanay ku qabsoomayn muddadii hore loogu qorsheeyay isla-markaana Golaha Guurtidu ay Madaxweynaha u sameeyeen muddo-kordhin dhan 2 sanadood, taasi oo macnaheedu yahay inay xilligeedii dib uga dhacayso.