Madaxda Somaliland iyo Xildhibaan Mareykan ah oo Twitterka iskaga jawaabay

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan ka tirsan Koongaraska Mareykanka, ayaa sheegay in Mareykanku uu ku faraxsanyahay saxiibtinimada Somaliland, dhinaca kalena, madaxweynaha Somaliland oo u jawaabay ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu horseedi doono amaan iyo barwaaqo.

Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Koongaraska Mareykanka, oo bartiisa Twitterka kaga falceliyay qoraal hambalyo ah oo uu madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici u diray Taiwan maalinta qaranimada, ayaa sheegay in Maraykanku uu ku faraxsanyahay in uu haysto saxiib Somaliland oo kale ah.

“Mareykanku wuxuu ku faraxsanyahay in uu Afrika ku leeyahay saaxiibo Somaliland oo kale ah oo Taiwan taageera, aqoonsiga ay bulshada caalamku siinayso iskaashiga Taiwan kaliya wuu kusii kobci doonaa uun Shiina xun ee khatar ta ah hortiisa” ayu yidhi xildhibaan Risch.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna ka falceliyay qoraalka xildhibaan Risch, ayaa xildhibaanka uga mahadceliyay taageeradiisa, wuxuuna sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay leeyihiin xidhiidh heersare ah, isla markaana Somaliland ay Taiwan faa’iido badan ku qabto.

“Taiwan iyo Somaliland waxay leeyihiin xidhidhiidh fiican, Taiwan waanu ka faa’iidnaa dhaqaale ahaan iyo tiknoolaji ahaanba, waanu jecelnahay siyaasadeeda iyo qiimaha dimuquraadiyadeedaba, waad ku mahadsantahay Risch taageeradaada, iyo aqoonsigaaga in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu kor u qaadi doono amaanka iyo barwaaqada” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Ugu danbayntiina, Madaxweynaha Taiwan  Tsai Ing-Wen, oo faalo ka dhiibatay qoraalka hambalyada ah ee madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland iyo Taiwan ay xidhiidhkooda sii xoojinayan.