Meydad laga soo saaray goobihii ay ka dhaceen Qaraxyadii Zoobe

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo ay shalay ka dhaceen weeraro loo adeegsaday gawaadhi laga soo buuxiyey qaraxyo, waxaana xidhan waddada, halkaas oo ay joogaan ciidamo dowladda Soomaaliya.

Wararka, ayaa sheegaya in meydad horleh maanta laga soo saaray dhismihii ku burburay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ee xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Dadweyne kala duwan, ayaa buux dhaafiyay aaga Zoobe, kuwaas oo baadi goobaya meydadka dad ehelladooda ah oo lagu waayay qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

Tirada dhimashada, ayaa sidoo kale aad u korodhay, waxayna kor u dhaaftay illaa 100 qof, halka dhaawacuna uu gaadhayo 300 oo kale oo u badan dad rayid ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib markii uu booqday goobtii uu weerarku ka dhacay, waxaana uu ka codsaday beesha caalamka inay u soo diraan dhakhaatiir iyo agab caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa uu ku booriyay shacabka Soomaaliya in ay tagaan cisbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay weerararadan.