Somaliland: Dufcaddii labaad ee Baranaysa Dastuurka oo la Daah-furay

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, ayaa waxaa ay daah-furtay dufcaddii labaad ee baranaysa dastuurka dalka, iyadoona ay wasaaraddu xaflad soo dhawayn ah u qabatay 300 oo dhalinyaro ah oo loo carbinayo barashadda dastuurka iyo waddaniyadda.

Dhalinyaradani oo noqonaya dufcadii labaad, ayaa wax ku baran doonta Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada Somaliland oo hoos tagta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, ayaa xaflad balaadhan oo loo qabtay, waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, iyo Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradaasi.

Waxa kaloo xafladaasi ka soo qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cabdixakiin Siciid Bustaale, Xildhibaan Raambo, Xildhibaan Maxamed Khaddar, Xoghayaha Dowlada Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac iyo Maayirka Brent London ee cariga Ingiriiska Mr. Cabdifataax Nuur aadan.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha DastuurkaMaxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay, ayaa soo dhaweeyay dhalinyaradan 300 boqol ah ee baran doona dastuurka Somaliland iyo waddaniyadda.

Waxaanu wasiirku u rejeeyay dhalinyaradaasi in ay dhamaantoodba noqfaan masuuliyiin dalka iyo dadkaba u shaqeeya, oo aqoon iyo faham u leh dastuurka dalka xeerarka iyo shuruucda ka farcama, iyo waddaniyada ba.

Sidoo kale, agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, oo iyaduna xafladaasi ka hadashay, ayaa soo dhawaysay dhalinyaradan la barayo dastuutka iyo waddaniyadda.

Agaasime Deeqa, ayaa tilmaantay in ardaydani ay noqonayaan dufcadii labaad, iyadoo hore ay uga qalin jebiyeen barashadda dastuurka iyo waddaniyadda 3000 oo Arday oo ay wasaaraddu isugu gaysay wixii ay tacab haysay.

May be an image of 1 person and standingMay be an image of 1 person and standingMay be an image of 1 person and standingMay be an image of 1 person, standing and outdoors

May be an image of 4 people and people standingMay be an image of 2 people, people standing and indoorMay be an image of 2 people

May be an image of 2 people, people standing and indoor

May be an image of 2 people, people standing and indoorMay be an image of 4 people and people standingMay be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of one or more people, people standing, outdoors and crowd

Hoos ka daawo muuqaalka waraka