Somaliland oo ka Shirtay Halis Caafimaad oo Qaramada Midoobay ka digtay

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa maanta Xafiiska kulan kula Qaatay ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee DIWA.

Waxa kulanka wasiirka ku wehelinayay Gudoomiyaha Ha’yadda dhawrista Tayada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Kulankan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii layskula eegi lahaa waxna layskaga Waydiin lahaa Sharooboyinka Caruuta ee ay Soo saartay Shirkad laga leeyahay dalka Hindiya oo Magaceeda la idhaa (maiden pharmaceuticals) oo maalmihii u dambaysay ay ka digaysay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO).

Guddoomiyaha ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee Diiwa oo kulanka ka soo qayb-gelay, ayaa Wasaaradda u cadeeyay in aanay haba yaraatee shirkadda Samaysa daawooyinkan dalkeena wax daawa ah keenin sidoo kalana aanay xidhiidh la lahayn.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali oo isna kulanka qayb ka ahaa, ayaa sheegay in ay baadhis Buuxda ku samaynayaan Dhammaan dalka gudihiisa, Bulshadana ugu Baaqay in ay lasoo socodsiiyan wixii dawoyinkan ku saabsan ee ay arkaan, Hay’adda dhawrista Tayadda iyo Wasaaradda horumarinta Caafimaaddka si baadhis buuxda loogu sameeyo.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa bulshada u sheegay in aanay Dhibaatadu dawadan ahayn ee ay dawadani hore u jirtay, balse dhibaatadu tahay Shirkadan (maiden pharmaceuticals) oo dawadda ay soo saartay ay ku jiraan waxyaabo siyaado ah ama xadigii loogu talo galay dhaafsan, Taasina ay sababtay dhibaatada maanta taagan, bulshaduna ay ka foojignaadan shirkadaas iyo Sharoobooyinka carruurta ee ay soo saarta.