Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo uu wehelinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

Shirkan golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab.

Xasan Sheekh, ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliya ee ku sugan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab, isagoona sheegay dowladda ay gurmad deg deg ah gaadhsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey Al-shabaab, islamarkaana faray dhamaan Wasaaradaha in ay masuuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga u ah bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaallanka Al-shabaab oo caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliya, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah Al-Shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa deegaanada gacantooda ku jira.

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliya ay u garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya, waxuuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaanada ay haystaan Ururka Al-shabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado goobaha ay ka taliyaan.