Weerar lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood xalay lagu qaaday weerar Bambo Gacmeed ah.

Weerarkan lagu qaaday ciidamada ka tirsan Booliska Somaliland, ayaa sida ay sheegayaan wararka na soo gaadhayaa, waxaa ku dhintay Hal Askari, Halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Askariga ku dhintay weerarkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Jaamac, ayaa la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay weerarka Bambo Gacmeedka loo adeegsaday ee lala beegsaday xili ay ku sugnaayeen gudaha magaalada Laascaanood.

Marxuum Axmed Maxamed Jaamac, ayaa waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,

Xukuumada Somaliland, ayaa illaa iyo hada aan wax war ah ka soo saarin weerarka lala beegsaday ciidamada ka tirsan Booliska Somaliland, lamana oga in la qabtay cidii weerarka gaysatay iyo in kale.

Kooxo dabley ah oo hubaysan oo aan si rasmi ah loo aqoonsan, ayaa magaalada Laascaanood ka gaysta weeraro, weeraradaas oo sannadihii u danbeeyay ay ku nafwaayeen, ciidamo, saraakiil dowladeed iyo dad shacab ah oo badan.