Hay’adda Al-Raxma Al-Khayriya oo Daah-furtay Wejiga 2aad ee Biyo Dhaaminta

Hargeysa (Aftahannews)- Hay’adda khayriga ah ee Al-Raxma Al-Khayriya oo kaashanaysa hay’adda boqortooyada Sacuudiga ee King Salmaan, ayaa waxaa ay maanta daah-furtay wejiga 2aad ee biyo dhaaminta ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hay’adda Al-Raxma Al-Khayriya, ayaa dadkaasi ay abaaruhu saameeyeen gaadhsiiyay deeq biyo ah oo dhan Kun iyo boqol booyadood oo ay aad ugu baahnaayeen dadkaasi maadaama oo ay saamayn weyn ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, iyadoona dadkaasi ay si weyn ugu farxeen deeqda biyaha ah ee la soo gaadhsiiyay.

Munaasibada deeqdan, ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaano iyo weliba masuuliyiinta Hay’addaha Al-Raxma Al-Khayriya iyo King Salmaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Al-Raxma Al-Khayriya Sheekh Cabdala Maxamed Ibraahim oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay deeqdan biyaha ah ee ay gaadhsiiyeen dadka ay abaaruhu saameeyeen.