Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii maanta.

Madaxweynaha, ayaa Xukuumadda ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladooda caafimaad, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa faray hay’addaha ammaanka heer federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad goboleed, in ay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalkooda bahalnimada ah, maadaama Al-Shabaab lagu soo jabiyey furimaha dagaalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu ugu baaqay bulshada HirShabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta ciidamada xoogga Soomaaliya, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay argagixisadu ka soo maleegayaan dhagarta iyo gumaadka.

Ugu yaraan 20 qof, ayaa lagu dilay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, iyadoo intaas ka badana ku dhaawacantay, dowladda Soomaaliya ayaa diyaarado gargaar ah galabta ka dirtay Muqdisho, kuwaas oo caawa Xamar keenay dhaawacyada ugu halista badan ee qaraxaas ka dhashay.