Kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Safiirka Dalka Sweden

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan qaatay Safiirka Dowlada Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Per Lindgärd iyo Wefdi uu hogaaminayay.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha, waxaa lagaga wadahadlay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Dowlada Sweden, iyadoo Dowlada Sweden ay ka mid tahay saaxibada Somaliland, xidhiidh aad u sareeyaana ka dhexeeyo labada dal

Intii uu socday kulankani waxaa lagaga wadahadlay arrimaha nabadgelyada, guud ahaana nabada Mandaqada Geeska Afrika, iyadoo Safiirku ka dareen celiyey nabadgelyada ka jirta Somaliland iyo horuumarka ka socda dalka, kaasoo dhinac walba leh.

Kulankan, ayaa la iskula qaatay xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga dhinaca nabadgelyada iyo fududaynta isu-socodka labada dal, taasoo ah mid muhiim ah labada dhinac.

Safiirka, ayaa u mahadnaqay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, sida uu u soo dhoweeyay, iyadoo ay Safiirka ay wehelinayeen Saraakiil sar sare oo ka socda Dowlada Sweden.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayey wasiirka waxbarashada, agaasime guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo madax kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, iyadoo kulanku ku soo dhamaaday isfaham iyo jawi aad u fiican.

   May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor