Qarax saddexaad oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Aftahannews)- Qarax sedexaad oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rarray, ayaa goor dhaw ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qof ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa sheegay in gaadhiga qaraxa uu saarnaa uu ku qarxay meel u dhaxaysa saldhiga booliska iyo suuqa dharka.

Wararka soo baxaya, ayaa sheegaya in gaadhiga inta aanu qarxin in ciidamada dowladda ay rasaas kala hortageen gaadhiga kadibna uu ku qarxay inta u dhaxeysa Saldhiga Magaalada Baledweyne iyo Xerada Lamagalaay oo Maanta laba qarax oo Ismiidaamin ah ka dhaceen.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in qaraxan oo ah kii sadaxaad inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaadhay dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxa ka dhacay oo ah bartamaha Baledweyne, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay gaadhiga qarxay inta uu dhan yahay.