Qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ku dagaalamaya Itoobiya

dagaalka soomaalida iyo oromada

Jigjiga (Aftahannews)- Wararka ka imanaya degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo.

Dagaalka, ayaa waxa uu u dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay go’antahay isgaadhsiintii degmadaasi.

Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac.

Hase yeeshee faah-faahinta sida wax u dhaceen way adag tahay in la helo, maadaama isgaadhsiintu ay go’an tahay.