Cabdiraxmaan Cirro: “Ma aqbali doono korodhsiimo xaaraan ah”

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga Waddani ayaa gabi ahaanba kasoo horjeestay go’aankii ay Golaha Guurtida Somaliland mudada 2-da sanno ah ugu kordhiyeen muddo xileedka madaxweyne Biixi.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in go’aanka golaha guurtidu aanu sharciyad ku taagnayn, isla markaana anay aqbalayn.

“Waxan beesha caalamka,  ee jecel wadajirka umada Somaliland iyo wax wadalahaanshaheeda  u sheegayaa, in go’aanka golaha guurtidu, aanu ahayn mid ku qotoma dastuurka, iyo xeerarka dhaqangalka ah, sidaas darteed xisbiga Waddani go’aanka wuxuu u arkaa mid xaaraan ah oo aanu aqbalayn” ayuu yidhi Musharax Cirro.

“Hadii uu Muuse Biixi doorashadii qaban waayay, hadii uu diiday ergooyinkii kala dhwanaa ee sheekh iyo shariifba lahaa, hadii uu diiday xal ku yimada wada tashi … xisbiga Waddani marna ma aqbali doono korodhsiimo xaaraan ah” ayuu hadalkiisa ku daray Musharax Cirro.

Waxa kale, oo uu sheegay in wixii ka danbeeya 13 November oo ay ku egyihiin 5 tii sanno ee madaxweynaha Somaliland la doortay, in xisbiga Waddani aanu aqoonsan doonin sharcinimada xukuumada Somaliland.

Waxa uu ku sheegay in dhibaato kasta oo ka dhalata go’aanka golaha guurtida uu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha Somaliland, isaga oo intaa ku daray in ay mari doonaan wado kasta oo suuragal ah si xukuumada loogu qasbo in ay qabato doorashadii kadaxtooyada.