Ganacsato Soomaali ah oo lagu Dilay Koonfur Afrika

Cap Town (Aftahannews)- Ganacsato Soomaali ah, ayaa lagu soo waramayaa in xalay lagu dilay duleedka magaalada Cap Town ee dalka Koonfur Afrika.

Weerarka lagu dilay ganacsatadan oo laba ahaa, ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Guguleti oo hoostaga Cape Town.

Wararka, ayaa sheegaya in budhcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ay ka dambeeyeen dilka marxuumiinta, waxayna ku dhex dileen goobahooda ganacsi oo isku dhowaa.

Labada nin, ayaa waxaa lagu kala magacaaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, waxaana meydadkooda meesha ka qaaday Soomaali kale.

Budhcadda dilka fulisay, ayaa goobta isaga baxsatay, waxayna dhacdadan xanuun ku reebtay ganacsatada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan halkaasi, kuwaas oo haatan wajahaya xaalad cabsi ah, kadib markii ay kordheen weerarada lagu beegsanayo.

Sidoo kale, waxaa goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo haatan wada baadhitaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, Koonfur Afrika, ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaalida ee ku sugan dalkaasi.