Golaha Guurtida Somaliland oo Muddo Kordhin u sameeyay Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan uu goluhu maanta iskugu yimid.

Guurtida, ayaa sidoo kale muddo shan sano ah ku kororsaday muddo xileedkooda, kaddib codkii maanta.

Muddo kordhinta Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka billaabmaysa, 13-12-2022-ka, kuna eeg 13-12-2024, halka muddo kordhinta golaha Guurtidu ka billaabmayso 13-12-2022, kuna eeg 13-12-2027-ka.

Dhawaan guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay inaanay doorashada Somaliland ku dhici karin xilligii loogu tala galay inay ku qabsoonto oo ku aaddan bisha December 2022.

Xisbiyada mucaaradka, ayaa ilaa hada ka hadlin kororsiga muddo xileedka hay’addaha dowladda.

Dhowr jeer oo hore ayay mucaaradku diideen muddo korosi, iyaga oo ku baaqay in doorashada Guurtida iyo Madaxweynaha isku mar wakhtigooda lagu qabto, waxaana dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dib u dhaca doorashada ay ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee Somalilland.