Shaqaale ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Qarax lala beegsaday

Muqdisho (Aftahannews)- Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha maxkamadda gobolka Banaadir, sidaasi waxaa sheegay ilo-wareed codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni darteed.

Qaraxa, ayaa la sheegay inuu ka dhex qarxay baabuur uu la socday Musharaf Maxamed Macallin oo ilo-wareedku sheegay inuu ku dhaawacmay weerarkaas.

Ka sokow inuu ka tirsanaa maxkamadda gobolka Banaadir, waxaa dhinaca kale la sheegay inuu qoraallo liddi ku ah Al-Shabaab uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

Booliiska magaalada Muqdisho, ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin weerarkan.

Waa maalintii labaad oo xidhiidh ah oo qarax uu ka dhacay magaalada Muqdisho. Shalay, qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay bannaanka xerada ciidamada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaas, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.