Iran: 75 Qof oo ku Dhintay Dibad-baxyada ka dhashay Dilkii Mahsa Amini

Tehran (Aftahannews)- In ka badan 75 qof, ayaa ku dhintay howlgallada ay Iran ku xakameynayo dibadbaxyo socda maalinkii 11-aad oo ka dhashay dilka gabadh lagu magacaabay Mahsa Amini, waxaa sidaas sheegay hay’addaha xuquuqda aadanaha.

Warbixintan, ayaa imaneysa iyada oo dalalka Reer Galbeed ay ku cadaadinayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah inay soo afjarto rabshadaha.

Tirada dhimashada rasmiga ah ee mas’uuliyiinta Iran ay sheegeen, ayaa taagneyd 41 qof tan iyo Sabtidii, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada ammaanka, xilli dalka ay gilgileen dibad-baxyadii ugu xoogganaa ee muddo saddex sano ah.

Dibad-baxayaasha, ayaa mar kale qaaday waddooyinka habeenkii Isniinta – si la mid ah sidii ay sameynayeen habeen kasta tan iyo dhimashadii Amini oo dhacday 16-kii September.

Mahsa Amini, ayaa loo xidhay inay jebisay xeerarka adag ee dalkaas u yaalla ee ku saabsan xidhashada xijaabka, waxayna ku geeriyootay gacanta booliska.

Sanandaj oo ah caasimadda gobolka galbeedka ee Kuridstan oo ay kasoo jeeday Mahsa Amini, haweenka, ayaa ku dul boodayey baabuurta kadibna iska tuurayey khamaarka, sida ay muujiyeen sawirro ay daabacday hay’adda xuquuqda aadanaha Iran Human Rights (IHR) oo fadhigeedu yahay Oslo.

Dibad-baxayaasha Tehran, ayaa iyagana ku qeylinayey “kaligii-taliska ha dhinto” iyaga oo ku baaqaya in lasoo afjaro in ka badan 30 sano oo uu dalka xukumayey hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei oo 83 jir ah.

Hay’adda IHR, ayaa sheegtay in 76 qof lagu dilay howlgallada booliska, islamarkaana xayiraado lagu soo rogay internet-ka, oo ay ku jiraan in la xanibay Instagram iyo WhatsApp.

Saraakiisha, ayaa sheegay inay Isniintii xidheen 1,200 qof. Dadkaas, ayaa waxaa ku jira kuwa u dhaqaaqa arrimaha bulshada, qareeno, suxufiyiin iyo dibad-baxayaal kale.

AFP