Guddoomiye Saleebaan oo shaaciyay muddo kordhin ay u samaynayaan Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,  ayaa ka hadlay, xeerarkii shalay ay dib ugu celiyeen golaha Wakiillada ee ku jiray kartoonka, ee  xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 iyo  xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha Wakiilladu wax ka badal iyo kaabis ku sameyay 19/ September/ 2022, ayaa golaha Guurtida loo soo gudbiyay 20 September, kadibna sida Guurtidu sheegtay 46 xildhibaan oo ka soo horjeeda meel marinta wax ka badalka, ayaa dacwad u soo gudbiyay, sidaa darteedna Wakiillada ayay dib ugu celiyeen.

Guddoomiye Saleebaan, ayaa waxaa uu sheegay sababta ay xeerarkaasi u horkeeni waayeen golahooda ay tahay khilaafka golaha Wakillada kala qaybiyay aanu iyagana kala qaybin.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale shaaciyay in Madaxweyne Muuse Biixi ay u kordhinayaan muddo xileedkiisa, islamarkaana aanay golaha Wakiillada kala tashanayn muddada ay u kordhinayaan.