Dhisme ku dumay Kenya oo khasaare nafeed ka dhashay

Nairobi (Aftahannews)- Ugu yaraan lix qof, ayaa geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu soo dumay dhisme dhismo ku socday oo ku yaalla ismaamulka Kiambu oo u dhow magaalada Nairobi.

Waxaa jirta cabsi ah in dad badan ay ku xanibanyihiin burburka hoostiisa.

Sidoo kale, Howlaha samataxibinta dadkaas, ayaa waxaa ay weli ka socotaa halkaasi.

Booliska, ayaa baadhaya waxa sababay burburka dhismahaasi.