Fadhigii Barlamaanka Puntland oo Khilaaf awgii u soo xidhmay

Barlamaanka Puntland

Garoowe (Aftahannews)- Kal-fadhiggii 50-aad ee barlamaanka Puntland oo saaka lagu waday inuu dib u furmo si barlamaanka loogu soo bandhigo natiijada la xisaabtanka xukuumada, ayaa si lama filaan ah ku xidhmay, kadib markii uu buuq hadheeyay.

Xildhibanno badan oo la rumaysan yahay inay u janjeedhaan dhinaca madaxtooyada, ayaa gooyay fadhigga maanta, iyagoo qorshahoodu ahaa inay ka hortagaan in barlamaanku wax go’aan ah uu gaadho.

Sidoo kale wararka, ayaa waxay sheegayaan in uu kala jabay guddigii loo xilsaaray inay soo jeedin ka soo sameeyaan la xisaabtankii xukuumada, una soo gudbiyaan barlamaanka warbixin lagu go’aan qaadan lahaa.

Guddoonka barlamaanka, ayaa si degdeg ah ku soo xidhay kal-fadhigga kadib markii jawigu isku beddelay buuq, iyadoo loo ballamay kal-fadhigga soo socda ee 15ka bisha soo socota ee Octobar.

Madaxweyne Deni, ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo la lahaa guddoonka barlamaanka Puntland, isagoo kala hadlayay in meesha laga saaro kala qeybsanaanta golaha barlamaanka iyo golaha xukuumada.

Wuxuu madaxweyne Deni hore u ballanqaaday inuu dib u soo magacaabayo maxkamadda sare, kadib markii barlamaanku uu ka diiday inay xasaanad siiyaan, islamarkaana dib loo soo magacaabo garsoorayaashii maxkamadda sare. 

Madaxweyne Deni oo hadda filaya in loolan siyaasadeed kaga yimaado wasiirradii uu xilalka ka qaatay oo qaarkood uu ku jiro hanka doorashada 2024, ayaa doonaya inuu wada shaqayn wanaagsan la yeesho barlamaanka.