Ciidanka Wadooyinka Somaliland oo Amarro ku soo rogay Gaadiidka Dadweynaha

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland, ayaa amaro culus ku soo rogay Gaadiidka Dadweynaha, iyagoona mamnuucay bacda madow ee lagu qariyo muraayadaha gaadiidka, laydhka awooda badan ee baabuurta iyo hoonka dhawaqa dheer.

Sarkaal u hadlay ciidamada nabadgalyada wadooyinka Somaliland, ayaa sheegay in bacda madow ee lagu xidho muraayadaha baabuurtu ay sharci ahaan mamnuuc tahay, isaga oo amray in baabuurta laga daayo.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in laga bilaabo todobaadka dambe ay bilaabi doonaan in ay hubiyaan sharciyda baabuurta iyo wadayaasha, islamarkaana wadaha ama baabuurka aanay waraaqaha sharciga wado maristu u dhamaystirnayn ay talaabo ka qaadi doonaan.

Ciidamada nabadgalyada wadooyinku sidookale waxay ka digeen, isticmaalka indhaha baabuurta ee nuurka badan, oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan gaadiidleyda, islamarkaana ay keenaan shilal.

Waxa kale oo ay ka digeen garaacista hoonka dhawaqa dheer xiliyada ay baabuurtu dhex socoto magaalooyinka, iyo goobaha ku dhow cisbitaalada.

Amaradan, ayaa fuli doona wixii ka danbeeya Sabtida inagu soo aadan, dhanka kale, booliisku ma sheegin wax shaki cusub ah oo nabadgalyada dalka laga qabo.