Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay inuu diyaar u yahay qabashada Doorashada

Oodwayne (Aftahannews)- Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayay shacabka magaalada Oodwayne, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu qabto doorashada madaxtooyada wakhtiga ugu horeeya ee ay suuragasho.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in ay qasabtahay in doorasho la qabto, oo ay dhacayso wakhtiga ugu horeeya ee ay suuragasho, isaga oo ayaan daro ku tilmaamay dhalinyaradii ku nafwayday mudaharaadada.

Waxa uu sheegay in marka hore xisbiyada iyo urrurada cusubi ay tartan galayaan, kadibna ay doorashada madaxtooyadu ku xigi doonto, isaga oo sheegay in diwaangalinta loo sameeyo doorashada urrurada lagu gali doono ta madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in isaga iyo madaxda axsaabtu ay yihiin dad saaxiibo ah, isaga oo sheegay in uu ka xunyahay in dhalinyarada caadifadi qaado oo ay ku coloobaan talo rag saaxiibo ah ka dhaxaysa.