Xasan Sheekh oo ballan-qaaday in la awood tiro Al-Shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir ay yeesheen Guddiga Amniga, ayaa shacabka Soomaaliya la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo qorsheyaasha dowladdiisa ee dabar-goynta ururka Al-shabaab.

Xasan Sheekh, ayaa tilmaamay diyaar garowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan ururka Al-shabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna,” ayaa lagu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee ururka Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliya, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta Soomaaliya.

Geesta kale, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku qaadayaan dagaal aanay waxba ula hadhayn, isagoona shacabka dalkiisa ka codsaday inay u diyaargaroobaan dagaal.

 “Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala hadhayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna.”ayuu yidhi Xasan Sheekh.