Somaliland: Madax-dhaqameed baaq u diray Xukuumadda iyo Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)- Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa baaq u diray xukuumadda Somaliland.

Salaadiintan iyo Madax-dhaqameedkan, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xabsiga ka sii dayso Suldaan Caddo Gude oo xalay lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Waxaa ay baaq u direen madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland, iyagoo ugu baaqay inay nabad-geliyada ilaaliyaan.