Abwaan Hadraawi oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa maanta ku geeriyooday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ahaa shaqsiyaadka lafdhabarka u ah fanka Soomaalida.

Abwaan Hadraawi, ayaa la sheegay inuu dhowaanahan xanuunsanayey, inkasta oo aan faah-faahin laga bixin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xaqiijiyey geerida Abwaan Hadraawi, ayaa shacabka Somaliland iyo umadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida Abwaan Hadraawi.

Hadraawi, oo ku dhintay da’da 79 jirka, ayaa 1943-kii ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuuna isaga oo yar uu tagay dalka Yemen oo uu ku sugnaa ilaa xornimadii, markaasi oo uu u soo wareegtay Muqdisho.

Hadraawi wuxuu sameeyey ruwaayado iyo heeso aad u caan baxay sida, heesta Hooyo, heesta Beledweyne iyo Nebi Ammaanka Ergadii Furqaan.