Wasiir Siciid Sulub oo sheegay in Dadkii Weeraray ay ahaayeen Jifada Cirro

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa madaxda xisbiga Waddani ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerarkii ay taageerayaasha xisbigoodu ku soo qaadeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in markii uu aaska tagay lasoo dhaweeyay lakiin, kadib markii ay madaxda xisbiga Waddani goobta soo gaadheen ay dhalinyaradii ku amreen in ay shiidaan.

“Dadkii waxgaradka ahaa way isoo dhaweeyeen, kadibna madaxdii xisbiga ayaa timid, markay yimaadeen inamada ay soo abaabuleen oo kushin kushin meelaha u taagnaa, waxa lagu amray in ay aniga i shiidaan” ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dadkii waxgaradka ahaa u digeen kahor intii aanu weerarku bilaaabmin, kadibna markuu soo baxay uu weerarku ku bilaabmay “Waa la ii digay, dadkii waxgaradka ahaa ayaa igu yidhi inama halkan shoobaraynayee iskaga tag, waan soo baxay markiiba shiidku wuu bilaabmay”.

Waxa uu ku daray in uu ilaaladiisa ku amray in anay xabad ku ridin shacabka “Askartii ila socotay waxan ku amray in anay xabad ku ridin dadka, oo dhaqan biniadam oo xabaal dusheed laga mudoharaadayo waa maalintii kowaad”.

Waxa uu sheegay in ay ceebi ka dhacday xabaalaha, ceebtaana ay leeyihiin musharax Cirro iyo cida la talisa, waxa kale oo uu sheegay in uu dad yaqaan yahay, isla markaana cida dhagaxa bilowday ay ahayd qoyska hoose ee musharax Cirro.