Somalia: Golaha Wasiiradda oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Muqdisho (Aftahannews)- Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu magacaabay guddiga qaran ee gurmadka abaaraha oo ka kooban golaha wasiirada iyo culimada, ganacasatada iyo  bulshada rayidka.

Guddigan iyo hay’adda maaraynta musiibooyinka oo dib loo howlgaliyay, ayaa la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hay’addaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliya ee abaaruhu saameeyaan.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay hay’addaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda Soomaaliya ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

Golaha Wasiirradda Soomaaliya, ayaa sidoo kale boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ay ka kooban yihiin:-

  1. Ra’iisal Wasaar Ku-Xigeenka
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
  3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
  4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
  5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
  6. Wasiirka Maaliyadda
  7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
  8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
  10. Wasiirka Amniga Gudaha
  11. Wasiirka Gaashaandhigga
  12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
  13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
  14. Culimada Soomaaliyeed
  15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
  16. Ururada bulshada Rayidka