Mukhtaar Roobow oo ka waramay isagoo Maxbuus ah siduu uga mid noqday Golaha Wasiiradda Soomaaliya

Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowladda federalka Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa ka hadlay habkii isagoo maxbuus ah uu uga mid noqday golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow, ayaa caddeeyay in isagoo maxbuus ah oo xabsi ku jira looga yeedhay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, loona magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

“Xabsi baan ku jiray afar saac markii la magacaabayay. shan saac xafiiska raysal wasaarahaa la iga wacay. Kow, waxaa la igu yidhi, xorbaa tahay, laba, xuquuqdaada siyaasigaa leedahay, saddexna wasaaraddaasaa laguu dhiibay, waxaana la rabaa inaad culimadii isku wado, waana soo ballanqaaday” ayuu yidhi Mukhtaar Roobow.

Wasiir Roobow wuxuu sidoo kale beeniyay inuu isagu codsaday in xil loo magacaabo. Wuxuu sheegay dowladda cusub inay xoogga saarayso xoojinta arrimaha diinta, culimaduna ay hormuud ka noqon doonaan howshaas.

Wuxuu cafis iyo wada shaqayn ka codsaday culimada Soomaaliya, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inuu ka dhacay qalad, haddana uu diyaar u yahay inay culimadu hagayaal u noqdaan wasaaradda loo magacaabay.