Markab Qamadi sida oo Ukraine ka yimid oo ku soo Wajahan Africa.

Cape Town (Aftahannews)- Markab ay leedahay Qaramada Midoobay oo sida qamadi, ayaa markii ugu horeysay tan iyo duulaankii Ukraine ku wajahan dalka Koonfur Afria.

Markabka oo ka soo amba-baxay dekedda dhacda badda madoow ee Pivdennyi Laden, ayaa sida 23 tan oo galley ah, wuxuuna ku wajahanyahay dal ay malaayiin qof la il daranyihiin macluul.

Hay’adda cuntada adduunka, WFP, ayaa sheegtay in 345 Milyan oo qof oo ka soo jeeda 82 dal guud ahaan caalamka, ay wajahayaan cunto yari, isla markaana ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah.

Qaramada Midoobay, Ruushka, iyo Ukraine, ayaa ku heshiiyay in Ukraine ay dib u bilowdo dhoofinta qamadiiga.