Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay Duullaankii Al-shabaab ee Deegaanka Soomaalida

Jigjiga (Aftahannews)- Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) oo ka hadlayay xafladda sannad guuradii 38aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay ONLF, oo lagu qabtay magaalada Jigjiga, ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid tahay arrinta galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Guddoomiyuhu wuxuu si adag uga hadlay xasuuqyada inta badan loo gaysto shacabka ku dhaqan galbeedka gobolka Siti, gaar ahaan kuwii laga soo barakiciyay magaalooyinkii ay dhawaan Canfartu la wareegtay ee Cundhufo, Danlahelay, Garbaciise iyo Caddeytu, isagoo sheegay in arrimahaasi ay masuuliyadeeda qaadayso dowladda Itoobiya.

“Dowladda Itoobiya iyadaa masuul ka ah waxa ka dhacay Cundhufo iyo Caddeytu, dadkan hadday Itoobiya ka tirsan yihiin maxaa hortooda loogu laynayaa, anagoo Al Shabaab la dagaalamayna maxaa dhabarka nalooga tooganayaa, ma aqbalayno taas. Ra’iisal wasaare Abiyi Axmed waxaan u haysanaa waxa ka dhacay halkaas” ayuu yidhi Guddoomiye Maadey.

Dhinaca kale, Guddoomiye Maadey waxa uu ka hadlay heshiiskii ay hadda ka hor wada galeen iyaga iyo dowladda Itoobiya, oo uu sheegay inaanu heshiiskaasi waxba ka hirgalin, wuxuuna yidhi ” ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis bay galeen, warqad ayuuna ku qoran yahay heshiiskaas, walina ma hirgelin heshiiskaas, waan ku kari waynay dowladda Itoobiya inay heshiiskaas hirgeliso, boqolkiiba hal ayay ka hirgelisay, taas oo ah xabbad joojintii iyo degaankii xabbada laga joojiyo”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in ka ONLF ahaan ayna ka hadhayn xaqa aaya ka tashiga shacabka degaanka Soomaalida, iyo waliba in shacabku xaq u leeyihiin inay iyagu tashadaan oo xitaa Madaxweynaha iyagu soo doortaan ee aan laga keenin Addis Ababa, isaguu yidhi ” Mustafe cagjar waa inuu awoodda isagu leeyahay, waa inaan anagu dooranaa ee ma aha in Addis Ababa laga soo doorto.

Geesta kale, waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay Ururka Al-Shabaab, iyo duullaankii ay dhawaan ku soo qaaday degaanka Soomaalida, isagoo sheegay in degaanka Soomaalidu ay leeyihiin Shacabka degaanka Soomaalida, Al Shabaabna aan loo oggolaanayn inay degaanka Soomaalida soo gasho.

“Al-Shabaab waxay u socotaa oo ay rabtaa in Soomaaliya iyo dowlad degaanka Soomaalidaba ay guumaysato oo la yidhaahdo Argagaxiso ayaa waddanka ka jirta oo Mareykan iyo Yurub ay ku soo duulaan, ma oggolaanayno taas Al-Shabaabna waan iska celinaynaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey.

Hadalka Guddoomiyaha, ayaa ku soo hagaagaya xilli dhibaato daran ay ka jirto galbeedka Siti, shacab tiro badana ay halkaasi ka soo barakaceen isla markaana ayna wali helin gurmad ku filan.