Trump oo diiday inuu ka jawaabo Baadhitaan lagu sameynayo hantidiisa

Qareenadii difaaci lahaa Trump oo ka kala tegay

Washington (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa Arbacadii diiday inuu ka jawaabo su’aalo la xidhiidha baadhitaan madani ah oo lagu sameeyay hab-dhaqannada ganacsi ee qoyskiisa, isagoo u cuskaday xuquuqda dastuuriga ah ee uu u leeyahay inaanu dambi isku yeelin.

Trump wuxuu qaatay mowqif dagaal ah oo ka dhan ah baadhitaanka ay waddo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka New York, Letitia James, si loo ogaado inuu qiimeyn ku sameeyay qiimaha hoteelkiisa, xarumihiisa lagu ciyaaro ciyaarta Golf-ka iyo hantida kale ee ma-guurtada ah si uu u helo shuruudo ku habboon amaahda, isaga oo hoos u dhigaya qiimaynta cashuur-dhaafka.

“Waan diiday in aan ka jawaabo su’aalaha hoos yimaada xuquuqda iyo mudnaanta uu siinayo muwaadin kasta marka loo eego dastuurka Mareykanka,” Ayuu Trump ku yidhi bayaan uu soo saaray, isaga oo ku eedeeyay Letitia James, inay tahay “Xeer ilaliye isaga ka aargoosaneysa oo aan xakameyn karin sharciga.”

Muddo saacado ah oo uu su’aalo weydiinayay mid ka mid ah qareennada James, ayaa Trump wuxuu diiday inuu ka jawaabo in ka badan 400 oo su’aalood, sida ay sheegeen dadka xog-ogaalka u ah dacwadan, wuxuuna ku celceliyay marar badan, “jawaab isku mid ah,” isagoo ku baaqaya inuu xaq u leeyahay inaanu naftiisa dembi gelin.

Laba ka mid ah carruurta waaweyn ee Trump, ee kala ah Donald Trump Jr. iyo Ivanka Trump, oo sidoo kale door muhiim ah ka ciyaara hantida maguurtada ah ee qoyska ee Trump Organization, waxay u dagaalameen inay ka fogaadaan inay marag furaan laakiin waa ay ku guuldaareysteen, isagoo maalmihii la soo dhaafay, ka jawaabay su’aalo ku jiray baadhitaanka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka.

Xeer-ilaaliya gobolka New York , Letitia James, ayaa sheegtay in baadigoobka uu helay cadeymo muhiim ah oo muujinaya in Ururka Trump, oo madaxwaynihii hore uu kormeeray, uu wax ka biday qiyamka alaabta.