Ciidamadda Booliska Somaliland oo War ka soo saaray Dil ka dhacay Hargeysa

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidamadda booliska Somaliland, ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Nin xalay magaalada Hargeysa ku dilay qof shacab ah, sida ay xaqiijiyeen taliska ciidanka booliska Somaliland.

Dilkan xalay uu gaystay gacan ku dhiigahani, ayaana waxaa uu ka dhacay degmada Axmed Macallin Haaruun gar ahaan xaafadda Kaah ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Booliska, ayaa hawl-gal iyo dedaal ay sameeyeen saacaddo gudahood gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiiglahan, kuna jira hadda  gacanta Ciidanka Booliska.

Waxaanay Ciidanka Boolisku ay soo bandhigeen magaca ninka gacan ku dhiiglaha ah, iyagoona magaciisa ku sheegay Cabdi Cali Cismaan oo loo yaqaan (Fool), halka ay marxuumka uu dilay la odhan jiray Maxamed Cawil Saaxil.

Ciidanka Booliska, ayaa waxaa ay sidoo kale shaaciyeen in ay bulshada la wadaagayaan in gacan ku dhiiglahan dilka gaystay la horkeeni doono sharciga.

Sidoo kale, Ciidanka Boolisku waxaa ay ugu baaqeen cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal gelinta xasiloonida in gacan bir ah lagu qaban doono.

Ciidanku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanay kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan, waxaa aanay ka codsadeen in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.

Si kastaba, dhacdadan ma aha mid ugub ku ah Somaliland, waxaana dhowr jeer magaalooyinka waa weyn ee Somaliland ka dhacay dilalkan oo kale, kuwaas oo qaarkood la xidhay, kuwa kalena lagu ridday xukuno adag.