62-guurada ka Soo Wareegtay Xornimadii Somaliland 26 June 1960-kii oo Caawa la Xusayo

Hargeysa (aftahannews):- Caawa oo kale 62 Sano ka hor, waxay ahayd habeenkii Dunida laga taagay Calan Soomaaliyi leedahay oo xor ah.

26 June 1960-kii, ayaa Calanka laga taagay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Midowday ee Britain oo 84 Sano ka talinaysay dhulka Somaliland, inkastoo shan cisho ka dib ay Somaliland la Midowday Soomaalidii Talyaaniga xornimada ka qaatay 1-dii July 1960-kii.

Haddana waxay xornimada kala soo noqotay 30 ka dib midnimadaas, dagaal qadhaadh ka dib, Somaliland waxay gooni-isu-taagga ku dhawaaqday 18-kii May 1991-kii. Hase yeeshee weli aqoonsi buuxa weli dunida kamay helin Somaliland.

Balse, aynu ku soo noqonno caawa oo ay tahay taariikhdu tahay 26 June 2022-ka, oo ay ku buuxdo 62-guurada ka soo wareegtay, ayaa looga dabbaal-degayaa Somaliland iyo Soomaaliyaba, maaddaama oo ay noqotay Xornimada Somaliland hormuudkii xorriyadda Soomaalida iyo Dalal badan oo Afrika ka mid ahba.

Caawa oo kale 62 sano ka hor, Boqorrada Boqortooyada Britain Queen Elizabeth 2, ayaa Shacabka Somaliland u soo dirtay dhambaal Hambalyo ah oo ku aaddan xornimada Somaliland ka qaadatay dalkeeda.


Dhambaalka Queen Elizabeth 2 oo aanu hadda xasuus ahaan dib idiinla wadaagayno, ayay 62 sannadood ka hor ku tidhi; “Aniga, dawladdayda iyo shacabkayga ku nool Boqortooyada Midowday ee Britain, waxaan idiin rejaynayaa wanaag maalintan xorriyaddiina awgeed..:”

Queen Elizabeth 2, ayaa xilligaa rejeysay in xidhiidhka dalkeeda iyo Somaliland uu sii waaro. “Xidhiidhka dadkeenna waxa uu soo jiray 1884-kii..” ayay tidhi, waxayna Intaa ku dartay; “Waxaan rejeynayaa inuu sii socdo xidhiidhka labadeenna dal oo uu noqdo Saaxiibtinimo waarta.”