Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo soo xidhay Imtixaanka Shahaadiga ah

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay Imtixaankii Shahaadigga ahaa ee Dugsiyada Sarre iyo Dugsiyada Dhexe ee Somaliland oo maalintii Sabtida ka bilowday guud ahaan dalka.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo Guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Maroodi-jeex , ayaana Imtixaanka shahaadiga ah ku soo xidhay dugsiga sare ee Waran-cade ee magaalada Hargeysa.

Waxaanay masuuliyiintani oo warbaahinta la hadlay ay si qotodheer uga warbixiyeen qaabka uu u soo bilowday Imtixaanku iyo qaabka uu ku soo dhamdaay, iyaga oona fariin muhiim ah diray.