Ikraan Tahliil Hooyadeed: “Fahadoow Ikraan adiga ayay kugu maqan tahay, wejigaaga ayayna ku qoran tahay”

Muqdisho (Aftahannews)- Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil, ayaa ka jawaabtay eedayntii uu Fahad Yaasiin maanta u jeediyay Ra’iisal Wasaare Rooble, Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Fahad Yaasiin, ayaa waraysi uu bixiyay wuxuu maanta ku sheegay in Ikraan Tahliil ay dileen seddaxdaas nin oo kaashanaya Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa si adag uga hor timid eedeyntaas ka soo yeedhay Fahad Yaasiin, iyadoo sheegtay in kiiska Ikraan aanu meelna u dhaafi doonin Fahad iyo saaxiibadiisii shaqada, gaar ahaan Yaasiin Faray iyo Kulane Jiis oo ay carabowday.

Waxay sheegtay in Fahad uu uga baxay balan uu la galay gabadheeda oo sii maqan 18 maalmood, xilligaas oo uu ka balan qaaday in laba maalmood gudahood uu xog buuxda uga keeni doono halka la geeyay Ikraan, balse dib dambe uu taleefan uga qaban waayay.

Waxay kiiskan ka beri-yeeshay raga uu dusha ka saaray Fahad Yaasiin, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha ku amaantay sidii uu ugu hagar baxay, una qabtay doorashooyinkii dhibka badnaa ee Soomaaliya ka dhacay.

Waxay codsi u dirsatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbatay inuu deg deg u furo gal-dacwadeedka kiiska Ikraan Tahliil oo ay geeyeen maxkmadaha Soomaaliya.

Hooyada Ikraan Tahliil, ayaa mar kale ku celisay in Madaxweynihii hore Farmaajo uu ka hiiliyay oo ragii gabadheeda dilay uu garab siiyay, iyadoo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka doonayso inuu u buuxiyo kaalintii ay shalay uga baahnayd Farmaajo.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali Guhaad waxay fariin u dirtay shacabka Soomaaliya, culumada, odayaasha dhaqanka Soomaalida iyo dhamaan cid kasta oo garab istaagi karta, iyadoo ka codsatay in kiiskan ay ka hadlaan oo ku garab siiyaan cadaaladda.