Kaniba Bannaanbax Nabadeed Buu ahaa, Ogeysiisna Ma Jirin – W/Q – Garyaqaan Bacalluul

Kaniba waxa uu ahaa Bannaanbax Nabadeed oo ay Shacabku Dareenkooda ku Muujiyeen labaateeneeye cisho ka hor.

Ma jirin ogeysiis iyo Fasax laga qaatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo cid laga saxeexay dammaanad nabadgalyotoona.

Waliba iyada oo uu bannaanbaxu habeennimo ahaa, ayuu si ilbaxnimo leh ay askarta iyo shicibkuba u wada muujiyeen dareenkooga. Xaqa dareen-muujinta ee shicibku kuma xidhna hadba sida ay u aragto cidda awoodda haysa iyo rabitaankeeda.

Bannaanbaxa ay xukuumaduhu taageersanyihiin, amma Madaxweynayaasha marka ay safraan dib loogu soo dhaweeyo, yaa odhan kara ma aha bannaanbax?

Shacabku haddii ay usoo bixi karaan Madaxdooda si ay u soo dhaweeyaan, miyayna u soo bixi karin si ay ugu sheegaan in ay biyo rabaan, roodhidii ku qaaliyowday, xaqoogii doorashada la tixgaliyo?

Miyaanay si nabad u soo bixi karin si ay uga falceliyaan go’aanno maamul iyo qaar kale oo ay u arkaan in ay ku waayayaan xuquuqo ay leeyihiin?

Illama aha in bannaanbax saacado kooban ku dhammaan lahaa, oo shacabka inta u soo baxdaa ay kaliya farrintooda ku gudbin lahayd, la sii buun-buuniyo, oo la inoo bahalo-galiyo.

Yaan wer-werka Siyaasadeed ee ay in gaar ahi qabto laga dhigin mid nabadgalyo, oo aan lasii hor boodin balaayooyin aan jirin.

Waa in aynu baranno in aanay dimuqraadiyadu ahayn mid dawladda oo kaliya la dhegaysto. Waa in la ogaado in ay sidoo kale waajib tahay in shacabkana markooga la dhageysto.

Waa in aynu baranno in ay madax iyo shiciba ay waajib inagu tahay in aynu xammilno dareenka iyo aragtida inaga soo horjeeda.

Weynu karnaa, oo sida xadaaradda leh ee aynu iskugu dulqaadanno maalmaha ololaha ee ay koox waliba maalinteeda u soo baxdo, una tidhaahdo waxa ay rabto, ayaynu marwalba iskugu dhegaysan karnaa, iskuguna dulqaadan karnaa.