Caddaani: Masuul Karti iyo Daacadnimadiisa Suugaani ka Curatay

Markasta oo qof muwasdin ahi umaddiisa xil  u qabto waxaa ka soo baxda oo la arkaa kartida iyo shaqsiyadda qofka xilka loo igmaday,waxaana dhacda in bulshadu hadal hayn kaga fal celiso dhaqankiisa xil gudasho iyo siduu wax u maamulo haddii uu la qaloocdo iyo haddii uu toosiyo labadaba.

Fannaaniin Heesay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland
Fannaaniin Heesay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland

Balse marka masuulku xilka ka tago inta badan lama soo hadal qaado lamana sii faalleeyo.

Balse waxaa jirta cid keliya oo qabyaaladda ka xor ah oo bulshada Soomaalida u iftiimisa  qof masuul ahaa oo xil umadda u hayay iyo siduu u maamulay iyo dhaqankiisa hoggaamineed.

Haddaba wasirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani) ayaa noqday wasiirka keliya ee isagoo aan xil hayn oon la odhan karin fannaaniin uu wasiir u yahay ayaa buun buuniyay ama ammaanaya.waxaa uu noqday masuulka keliya ee isagoo dalka ka maqan xilna aan hayn oo ku maqan carriga dalka Maraykanka in waxqabadkiisii suugaanyahanka uu godlo isla markaana heestii labaad ay ka curato wax qabadkii laga arkay muddo xileedkiisii isla markaana abwaanadu ay ku sifeeyaan in uu ahaa shaqsi ka xor ah qabyaalad,qof jeclaysi iyo cid necbaysi isla markaana dadkii uu masuuĺka u ahaa sinnaan ku maamulay qaranka daacadnimo ugu shaqeeyay.

Haddaba halkan hoose ka dhegayso Heesta Caddaani ALLOW DHAWR:-